
Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid miradhal ah oo muhiim u ah sugidda amniga qaranka, iyadoo la eegayo kaalinta ay xuduudaha ammaan ahi ka ciyaaraan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab, Al-Qaacida, iyo ISIS.
“Xuduudaha adag waa tiirka koowaad ee amniga qaran, Soomaaliya gudaheeda, ammaanka xuduudaha waa hubka muhiimka ah ee lagula dagaallamo kooxaha xagjirka ah.” ayuu yiri Danjire Riley.
Waxaa kulanka lagu falanqeeyay sidii loo sii ballaarin lahaa barnaamijyada Mareykanku ka taageero Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ay maalgelinayaan shacabka Mareykanka, kuwaas oo lagu horumarinayo, Kormeerka xuduudaha, La socodka socodka dadka iyo qalabka, Iskaashiga hay’adaha gudaha iyo Tayaynta shaqaalaha laamaha socdaalka iyo amniga
Danjiraha Mareykanka ayaa uga mahadceliyay Agaasime Duhulow hogaankiisa firfircoon iyo wada-shaqeynta joogtada ah, isagoo sheegay in xiriirka Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid aad muhiim ugu ah xasilloonida dalka iyo gobolka.