13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Jubbaland oo sheegtay xiisada Gedo ka taagan inay xiriir laleedahay khilaafka biyaha webiga Niil

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Khamiis, Agoosto 7, 2025 (HOL) – Jubbaland ayaa si kulul uga hadashay xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Gedo, iyadoo sheegtay in duullaanka cusub ee halkaas ka socda uu yahay mid xiriir laleh ajendayaal dibadeed oo si gaar ah ugu xiran khilaafka biyaha Webiga Niil.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jubbaland ayaa eedeymo culus dusha looga tuuray Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu eedeeyay inuu si toos ah u kala qeybiyay saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee gobolka Gedo, si loogu fuliyo qorshe burburinaya nidaamka federaalka.

Jubbaland waxay warkeedaan ku beenisay in ciidan ay Jubbaland leedahay iny xadgudub sameeyay, iyadoo tilmaantay in shacabku aysan mar dambe aqbali doonin colaad lagu wado in dhabarka looga saaro.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu diyaarad ku geeyay Gobolka Gedo Cabdirashiid Janan, kaasoo maamulka Jubbaland uu ku sheegay inuu  horey u gatay hubkii iyo gaadiidkii Jubbaland ee loogu talo galay gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa ugu baaqday beesha caalamka in aysan indhaha ka qabsan dhibaatooyinka socda, iyadoo mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhasha tallaabooyinkaasi dusha ka saartay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo taliskiisa.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).