
Dadka la afduubtay ayaa ah lix ruux oo dhamaantood xoolo dhaqato ahaa oo si weyn looga yaqiinay deegaanka Niir fanax iyo deegaanada hoostaga.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa afduubkan ay kooxda Al-shabaab u geysatay lixda ruux oo ah dhamaantood dad kasoo jeeda Beesha Xawaadle oo sanadahii dambe dagaalo qaraar kala dhaxeysay Al-shabaab.
Ilo ku sugan deegaanka Nuur fanax ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ragga arly afduubteen Al-shabaab iney ahaayeen dad aanan wax shaqo ah ama xiriir ah uusan kala dhaxeyn ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee dagaalka kula jira Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaate afduubka dadkan xoolo dhaqatada ah uu kusoo aadaya, iyadoo laba habeen ka hor meel u dhaw deegaanka Nuur fanax ciidamo ka tirsan Macawiisleeyda beeshaas ay ku dileen xubin ka tirsana Al-shabaab, islamarkaana ay ka qaateen hubkii uu watay.