11.1 C
London
Thursday, October 9, 2025

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay duuleedka Maxaas

- Advertisement -spot_imgspot_img
 

Axad, Agoosto 3, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysna oo ay iska kaashadeen ciidanka dowlada iyo kuwa  Macawiisleeyda gobolka Hiiraan, kaasoo laga fuliyay duuleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa la tilmaamay in lagu beegsaday fariisimo maleeshiyadka Al-shabaab ku lahayeen duuleedka degmada Maxaas, islamarkaana lagu burburiyay goobo gabaadyo u ahaa maleeshiyida.

Taliska Guutada 5-aad qaybta 27-aad Maxamuud Ibraahim Xasan Baakaay iyo Korneyl Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa si wadajir ah u hoggaaminaayay ciidamada iskaashanaya ee howlgalka ka fuliyay duuleedka Maxaas.

Howlgalkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ciidamada is garabsanaya ka fuliyaan nawaaxiga Maxaas tan iyo markii kooxdu la wareegtay Maxaas 27-kii bishii lasoo dhaafay.

Saraakiisha Militeriga dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa Macawiisleyda Hiiraan ayaa wada dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Al-shabaab oo lagu doonayo in ciidanka ay dib ula wareegaan magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka Hiiraan sida Maxaas iyo Moqokori.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).