Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hawlgalka AUSSOM, oo qeyb muhiim ah ka ah sugidda amniga iyo xasilinta dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa danjiraha la wadaagay warbixin ku saabsan hawlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxda Al shabaab, isagoo xusay guulo wax ku ool ah oo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Waxa uu sidoo kale ka mahadceliyay kaalinta muuqata ee ciidamada Midowga Afrika ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo howlgallada wadajirka ah.
Danjire El Hadji Ibraahima Diene, oo dhawaan loo magacaabay xilka, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha soo dhoweynta diirran, Wuxuu bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib-u-dhiska iyo amniga dalka.
Danjiruhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay taageeridda qorshaha kala-guurka, si ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka.
Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah iyo doorka Midowga Afrika ee xasillinta Soomaaliya.