14.7 C
London
Friday, October 10, 2025

Hindiya oo Gargaar Bini’aadantinimo usoo Dirtay Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Axad, Luulyo 27, 2025 (HOL) – Dowladda Hindiya ayaa Soomaaliya usoo dirtay gargaar bini’aadantinimo oo dhan 10 tan, si ay taageero ugu muujiso shacabka Soomaaliyeed oo wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay colaado daba-dheeraaday, isbeddelka cimilada, iyo caqabado dhaqaale.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya (MEA) ayaa xaqiijisay arrintan Sabtidii, iyada oo qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ay ku sheegtay in gargaarku uu ka kooban yahay agab caafimaad oo muhiim ah, waxaana ku jira dawooyin lagama maarmaan ah, qalab qalliin, agab isbitaaleed, iyo qalab caafimaad oo casri ah.

“Gargaarka bini’aadantinimo ee Hindiya ay u fidinayso shacabka Soomaaliyeed wuu soconayaa, Gargaar dhan 10 tan oo ay ka mid yihiin dawooyin muhiim ah, qalab qalliin, agab isbitaaleed, iyo qalab caafimaad ayaa loo diray Soomaaliya.” ayaa lagu yiri warka wasaaradda.

Haatan, Soomaaliya waxa ay wajahayaa saameynta La Nina ka dhalatay taasoo la filayo inay sii socoto ilaa bilaha ugy dambeeya ee sanadkaan 2025, Tan ayaa keentay abaaro iyo roob yari, taasoo kordhinaysa cunno yari, halista cudurrada sida daacuunka, iyo khilaafaadka ka dhasha ilaha biyaha iyo daaqa ee u dhexeeya beelaha.

Waxaa la saadaalinayaa in lix milyan oo qof ay u baahnaan doonaan gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah, Inkastoo cuntada ay tahay baahida ugu weyn, kala bar shacabka Soomaaliya ma haystaan biyo nadiif ah, waxaana adag in la helo hoy ku habboon.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).