Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ciidamada is kaashanaya ay si adag uga hortageen weerarka Al-shabaab, islamarkaana jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-shabaab.
Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka ay kooxdu kusoo qaaday Sabiid iyo Caanoole in looga dilay ilaa 18 xubnood, iyadoo dhankeeda sheegtay in ilaa afar askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ay ku dhinteen weerarka.
“Ciidamada Qaranka oo ku jiray heegan buuxa iyo feejignaan sare ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay fashiliyaan damaca maleeshiyaadka argagixisada ah iyo isku daygoodii ahaa inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa looga dilay 18 ka mid ah kooxda Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay sidoo kale si buuxda u bogaadisay geesinimada iyo dhabar adayga ay muujiyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee kooxda sida adag uga difaacay deegaanka Sabiid iyo Caanoole.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhameystiran:-