14.6 C
London
Friday, October 10, 2025

Qatar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageeridda mashaariicda horumarineed

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Khamiis, Luulyo 24, 2025 (HOL) – Waxaa magaalada Dooxa ku kulmay Marwo Maryam bint Cali bin Naasir Al-Musnad, Wasiiru dowlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Qatar, iyo Cali Maxamed Cumar, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, iyaga oo diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, iyo taageerada farsamo ee Soomaaliya.

Labada wasiir waxay sidoo kale isla garteen muhiimada ay leedahay taageeridda mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya si loo gaaro xasillooni waarta iyo horumar bulsho oo joogto ah. 

Waxa kale oo ay hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay labada dowladood in la sii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah, iyadoo la ballaarinayo fursadaha iskaashi ee ku saleysan danaha labada shacab.

Booqashada uu wasiirka Soomaaliyeed ku joogo Qatar ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee labada dal ku doonayaan inay ku xoojiyaan xiriirkooda diblumaasiyadeed iyo iskaashi istiraatiiji ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).