Afarta eedeysane oo kala ahaa Nasro Nuur Cusmaan, Xaawo Ibraahim Maxamed, Iqro Faarax Cabdinuur, iyo Maryan Maxamed Aadan ayaa lagu helay inay si joogto ah ula shaqeynayeen kooxaha argagixisada, iyaga oo la wadaagi jiray xogta ciidamada iyo bulshada deegaanka Buuloxaaji, sida ay sheegtay maxkamaddu.
newsinsFadhiga maxkamadda waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim, labadiisa ku xigeen, Xeer-ilaaliyaha Ciidamada, baarayaashii kiiska, iyo qareenka u doodayay eedeysanayaasha.
Kadib doodo socday muddo, iyo qiimeyn lagu sameeyay duruufaha eedeysanayaasha, maxkamaddu waxay xustay in qaar kamid ah gabdhaha aysan qaan gaarin, taas oo saamayn ku yeelatay go’aanka kama dambeysta ah.
Waxaana afartaan gabdhood ay mari doonaan nidaam dhaqancelin ah, Hay’adaha amniga ayaa la faray inay si dhow ula socdaan xaaladooda inta ay ku jiraan barnaamijkaan.
Maxkamaddu waxay sheegtay in xukunkaasi yahay mid lagula tacaalayo fikirka xagjirka ah, iyadoo isla markaana la tixgelinayo da’da, duruufaha nololeed iyo doorka dumarku ku leeyihiin bulshada.
Xukunka lagu riday haweenkan ayaa ah mid tilmaamaya sida dowlad-goboleedka Jubbaland ugu hawlan yahay la dagaallanka fikirka Al-Shabaab iyo ilaalinta amniga bulshada.
Waxaa sidoo kale xukunkaan lagu muujiyay baahida loo qabo wacyigelin ballaaran oo lagu beego bulshada, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka, si looga hortago marin-habaabinta ay kooxaha xagjirka ah adeegsadaan.