14 C
London
Saturday, October 11, 2025

Soomaaliya oo Soo Dhawaysay Heshiiska Dhexmaray Dowladda DRC iyo falaagada M23

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, Luulyo 20, 2025 (HOL) – Dowladda Soomaaliya, oo ah xubin aan joogto ahayn ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay saxiixa heshiiska ay kala saxiixdeen Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo ururka hubeysan ee M23.

Heshiiskan ayaa lagu saxiixay magaalada Doha ee dalka Qatar, wuxuuna tallaabo muhiim ah u yahay dadaallada dib loogu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka bariga DRC oo ay muddo dheer ka taagnaayeen colaado hubeysan iyo dhibaatooyin bani’aadamnimo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si gaar ah u bogaadisay doorka muhiimka ah ee ay Dowladda Qatar ka qaadatay fududeynta wadahadalladan, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay in lagu guuleysto dadaallada nabadeed ee ka socda gobolka.

“Soomaaliya waxay si buuxda u garab taagan tahay shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo dadaallada ay ugu jiraan inay helaan nabad, xasillooni iyo horumar waara,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay sidoo kale ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ka shaqeeyaan hirgelinta heshiiska si dhameystiran, ayna sii wadaan wadahadalka iyo is-fahamka, si loo sugo nabad waarta oo dhexmarta dhammaan dhinacyada isku haya gudaha DRC iyo guud ahaan gobolka Harooyinka Waaweyn.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada goboleed iyo kuwa caalami ah ee lagu horumarinayo xasilloonida, nabadda iyo horumarka waara ee Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay warka wasaaradda.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).