8.9 C
London
Sunday, October 12, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Gurmad deg deg ah ha lala gaaro dadka abaartu ku dhufatay Awdal

- Advertisement -spot_imgspot_img
Khamiis, Luulyo 17, 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa amar deg deg ah ku bixiyay in si dhaqso leh gurmad loogu fidiyo dadka ay abaartu ku dhufatay deegaano ka tirsan gobolka Awdal, gaar ahaan degmooyinka Saylac, Lughaya iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii uu shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo lagu lafa-guray xaaladda daran ee ka jirta deegaannadaas. 

Warbixin laga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa daaha ka rogtay baaxadda saameynta abaarta, oo saameysay dad iyo duunyo ba.

“Waa waajib qaran in aan si deg deg ah ugu gurmano walaalaheenna tabaaleysan. Waxaan farayaa dhammaan hey’adaha dowladda ee khuseeya in ay si dhaqso leh uga jawaabaan xaaladdan bini’aadantinimo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo hey’adaha caalamiga ah in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay, iyagoo sheegay in is-kaashi bulsho iyo mid caalami ahba uu lagama maarmaan yahay si wax looga qabto xaaladdan adag.

Intii uu kulanka socday, Golaha Wasiirrada ayaa hambalyo u diray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, oo ku guuleystay abaalmarinta Wasiirka Maaliyadda ugu wanaagsan Qaaradda Afrika, taas oo lagu ammaanay dadaallada dib-u-habeynta maaliyadda ee dalka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay guulaha Wasaaradda Warfaafinta ay ka gaartay hirgelinta xarunta casriga ah ee Media Satellite Teleport, taas oo sare u qaaday tayada adeegyada Warbaahinta Qaranka.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ay la galeen dowladda Turkiga, kaas oo diiradda saaraya iskaashiga dhinacyada shaqada, shaqo-abuurka, iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).