8.7 C
London
Sunday, October 12, 2025

Dhaqdhaaqyo ciidan oo ka bilaawday deegaano hoostaga degmada Jalalaqsi

- Advertisement -spot_imgspot_img
Arbaco, Luulyo 16, 2025 – Dhaqdhaaqyo ciidan oo kala duwan ayaa ka bilawday saacadahii lasoo dhaafay deegaanada u dhaxeeya xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo ay kala wadaan ciidanka Macawiisleeyda iyo Al-shabaab.

Dhaqdhaqaaqyadaan ciidan ayaa si gaar ahaan uga socda inta u dhaxeysa degmada Jalalaqsi oo Hiiraan ah iyo deegaanka Ceel Baraf oo Shabeellaha Dhexe ah.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay bilaawday abaabul xoogan oo ay ku dooneyso iney ku qabsato wadada muhiimka ah ee loo yaqaano jidka jaayga ee isku xira degmada Jalalaqsi iyo Ceelbaraf.

Ciidanka Macawiisleeyda oo dhankooda helay qorshaha Al-shabaab ayaa bilaabay iney adkeeyaan difaacyadooda deegaanada Qoryaale iyo Xalfooley oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ciidamo aad u tira badan ayaa saacadahii lasoo dhaafay si aad ah u buux dhaafiyay labadaan deegaan oo muhiim u ah isku xirka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana deegaanadan oo hoostaga degmada Jalalaqsi muhiim u ah amniga degmadaasi, si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Macawiisleeyda.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).