
Sida lagu sheegay warbixinta NISS, xubnahan ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin faraca ISIS ee ka hawlgala maamulka Puntland ee Soomaaliya, islamarkaana ay tababaro ku soo qaateen halkaas, ka hor inta aan loo dirin magaalooyin kala duwan oo Itoobiya ah.
Ujeedadoodu waxay ahayd in ay ballaariyaan shabakadda ISIS gudaha Itoobiya, ayna dhisaan saldhigyo qarsoon si ay uga abaabulaan xubno cusub oo argagixiso ah.
Hay’addu waxay intaa ku dartay in la helay xog iyo caddeymo cad, kuwaas oo muujinaya xiriirka ay xubnahan la leeyihiin shabakado caalami ah oo dhanka sirdoonka, maaliyadda iyo saadka taageera.
Goobaha lagu qabtay xubnahan waxaa ka mid ah:
• Addis Ababa
• Sheger
• Adama
• Shashamane
• Harar
• Bale
• Jimma
• Shaakiso
• Jigjiga
• Shawe
• Silte
• Halaba
• Qulito
• Kamise
Hay’adaha amniga ayaa sheegaya in baaritaanno dheeraad ah socdaan, islamarkaana tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo la ogaado in ay xiriir la leedahay kooxahaasi.