
“Waxaan go’aansanay inaan kordhinno waqtiga is-diiwaangelinta si aan u siino dhammaan dadka reer Muqdisho fursad siman oo ay codkooda ugu xaqiijin karaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.
Doorashadan la qorsheynayo ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee dadweynuhu si toos ah ugu dhiibtaan codkooda magaalada Muqdisho muddo ka badan 50 sano, Waxaa la rumeysan yahay in tani ay calaamad u tahay rajo cusub oo ku wajahan dimuqraadiyadda Soomaaliya.
Guddigu waxa uu si gaar ah ugu baaqay dhalinyarada, haweenka, iyo dadka aan weli is-diiwaangelin, inaysan ka harin fursaddan, maadaama is-diiwaangelintu ay tahay dariiqa kaliya ee qofka muwaadinka ahi ku xaqiijin karo inuu codkiisa ka dhiibto.
Ugu dambeyn waxa ay Guddigu ugu baaqeen dadka ku nool degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir in ay u tagaan goobaha is-diiwaangelinta ee u dhow si ay u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta.