
Intii uu socday kulanka, safiirradan ayaa isla eegay xogta la xiriirta tahriibka hubka iyo taageerada ay kooxda Xuutiyiinta siiyaan ururrada xagjirka ah ee Soomaaliya, sida Al-Shabaab iyo kooxda Daacish ee ku sugan waqooyiga dalka. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xiriirka istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, oo la sheegay in uu salka ku hayo isu gudbinta qalab militari iyo tababaro ciidan, taasoo lagu beddelanayo kororka weerarrada burcad-badeednimo iyo tahriibinta hubka.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay bishii Febraayo 2025, waxaa jira caddeymo muujinaya in ay jireen kulamo fool-ka-fool ah oo dhexmaray xubno ka tirsan Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab sanadkii 2024, kuwaasoo la xiriiray isu gudbinta agabka dagaalka iyo iskaashi istiraatiiji ah.
Labada safiir ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeynta diblomaasiyadeed ee labada safaaradood si loo wajaho khatarta ay kooxahani ku hayaan amniga dalalka Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la sameeyo iskaashi amni oo heer gobol ah si loo joojiyo faragelinta Xuutiyiinta iyo ballaarinta xiriirkooda argagixiso ee xuduudaha dhaafaya.