8.7 C
London
Sunday, October 12, 2025

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka digay faafitaanka cudurka hepatitis

- Advertisement -spot_imgspot_img
Talaado, Luulyo 15, 2025 – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa muujiyay walaac weyn oo ku saabsan faafitaanka degdegga ah ee uu ku sameenayo cudurka Hepatitis ee gudaha dalka Soomaaliya.

Dr. Cali ayaa sheegay in heerka faafitaanka cudurkani uu yahay mid sareeya, isla markaana u baahan in si degdeg ah looga falceliyo, waxa uu ku baaqay in la dardar geliyo dadaallada la xiriira baarista (tijaabada) iyo tallaalka si loo yareeyo saameynta cudurkaasi ku yeelan karo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Hepatitis, oo ah cudur ku dhaca beerka, uu khatar weyn ku yahay caafimaadka guud ee dadweynaha, gaar ahaan marka aan si habboon loola tacaalin.

“Waa in aan si wadajir ah uga hortagno faafitaanka cudurkan, iyadoo la xoojinayo wacyigelinta, baarista iyo tallaalka,” ayuu yiri Dr. Cali.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan barnaamijyada tallaalka, isla markaana ay la xiriiraan xarumaha caafimaadka si ay u helaan xog dheeraad ah iyo baaris haddii loo baahdo.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).