
Howlgalkaan oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa NISA sheegtay inuu Xalay dhacay mudo sadax jeer ah, si gaar ahna loola beegsay xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo gurmad ahaan ugu socday gobolka Hiiraan.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ka tirsan kooxda, islamarkaana sidoo kale dhaawacayo culus lagu gaarsiiyay tiro kale oo ka mid ah kooxda.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ee howlgalka duqeynta ah lagu dilay ayaa iska soo abaabulay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellada Dhexe oo ay kooxdu gacanta ku hayso.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhaneystiran:-