10 C
London
Sunday, October 12, 2025

Wasiirka Amniga Gudaha oo Kulan la Qaatay Wafdi ka socday Hay’adda INTERPOL

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, Luulyo 13, 2025 (HOL) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, kuwaas oo uu hoggaaminayey Iskuduwaha Barnaamijka Hubka ee INTERPOL, Joaquim Rodrigues, kaasoo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca ammaanka, gaar ahaan Ladagaallanka dambiyada caalamiga ah ee gudba xuduudaha sida dambiyada abaabulan iyo argagixisada, Xog-isweydaarsi iyo wadashaqeyn dhanka baarista dambiyada, Tababarrada iyo aqoon-kororsiga ciidamada amniga Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa kulanka diirada lagu saaray iskaashiga Ladagaallanka dambiyada internet-ka (Cyber Security), Kordhinta isticmaalka nidaamyada raadraaca hubka sharci-darrada ah.

Wasiirka ayaa wafdiga uga mahadceliyey dadaalkooda iyo taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga INTERPOL uu muhiim u yahay horumarinta awoodda ciidamada ammaanka, gaar ahaan la dagaallanka dambiyada nooc walba leh ee la xiriira amniga qaranka iyo midka caalamiga ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mudnaan gaar ah siineysaa xoojinta xiriirka ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah ee amniga, waxaana ka go’an in aan sii xoojino wadashaqeynta aan la leenahay INTERPOL, si aan u xaqiijino nabadgelyo iyo xasillooni waarta,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Wafdiga INTERPOL ayaa dhankooda ballanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay kaalin mug leh ka qaadato la dagaallanka dambiyada caalamiga ah, maadaama ay kamid tahay dalalka xubnaha ka ah INTERPOL.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).