Abaalmarintan ayaa loogu aqoonsaday Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya muddadii 2-da sanno ahayd ee uu maamulayay hannaanka dib u habeynta Maaliyadda Wasaaradda Maaliyadda oo uu ku hoggaamiyay hannaan hufan iyo dadaalka uu geliyay dib-u-habeynta maaliyadda dalka, gaar ahaan guushii barnaamijka deyn cafinta ee la gaaray bishii December 2023, casriyeynta hannaanka dakhliga oo sahlay in Dakhliga gudahu koboc sameeyo, Qorshihii deyn cafinta kadib, doorka hogaamineed ee uu ka qaatay dedaalada dib-u-hababaynta hay’adaha Maaliyadda ee Caalamiga oo Dowladda Soomaaliya u horseeday in ay ka baaqsato Deymo cusub, heshana maalgalin deeq ku dhisan.
African Leadership Magazine oo abaalmarin Guddoonsiiyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa xustay sidoo kale in Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya wax ka qabtay horumarinta dhaqaalaha iyo Siyaasaddaha hanaanka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka iyo wadashaqeynta Hey’addaha Maaliyadda caalamiga ah iyo deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa sheegay in guushada saxda ah iyo abaalmarintaba ay mutaysteen shacabka Soomaaliyeed oo ah laf-dhabarka horumarinta dhaqaalaha iyo soo kabashada dalka, Wasiirka ayaa ku amaanay ganacsatada habka ay ugu dhiiran yihiin dib-u-dhiska dalka iyada oo ay jiraan caqabado badan oo haysta.