13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Qarax ismiidaamin oo ka dhacay Muqdisho Iyo Dowladda oo ka hadashay

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Arbaco, Luulyo 9, 2025 (HOL) – Qarax ismiidaamin ah ayaa saaka abaare 11:20AM ka dhacay afaafka hore ee Kulliyadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Jaalle Siyaad oo ku taala Degmada Hoodan ee Gobolka Banaadir, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof naftii halige ah oo ka tirsan kooxda  Al-Shabaab, Weerarkan ka dhacay Kulliyadda Jaala Siyaad ayaa waxaa ka dhashay khaasare iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac, walina ma jirto xog rasmi ah oo heerka khasaaraha uu gaarsiisan yahay oo ay Wasaaradda Gaashandhiga warbaahinta la wadaagtay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku ay durba bilaabeen baaritaanno la xiriira dhacdadan, Sidoo kale, waxa ay ballanqaaday in shacabka lala wadaagi doono macluumaadka rasmiga ah marka baaritaannada lasoo gabagabeeyo, haddii Eebbe idmo.

“Ciidamada ammaanka waxay wadaan baaritaanno xooggan. Faahfaahin dheeraad ah waan soo bandhigi doonaa marka xogta la xaqiijiyo,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.

Wasaaradda waxay sidoo kale tacsi u dirtay ehelada iyo qoysaska ay waxyeelladu soo gaartay, iyadoo xustay in Dowladda Federaalka ay si buuxda uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta amniga shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).