Sida lagu sheegay bayaan uu faafiyey wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA, labada dhinac ayaa heshiiskan cusub ku ballamay in la bixiyo deeq bani’aadamnimo oo gaareysa $10 milyan oo doolar Mareykan ah.
Labada dhinac midkiiba waxa uu bixin doonaa $5 milyan, Lacagtaasi waxay taageeraysaa hay’adda UNICEF si loo sii wado bixinta adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka, nafaqeynta, biyaha, fayadhowrka iyo ilaalinta carruurta ee dalka Sudan.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa bixin doona deeq dheeraad ah oo ah $5 milyan, midkiiba $2.5 milyan, taasoo lagu maalgelinayo mashruuc ay iska kaashanayaan oo lagu taageerayo shaqada Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya.
Wakiilka ku meel gaarka ah ee Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Kuwait, Walid Al-Bahar, ayaa sheegay in saxiixa heshiisyadan uu muujinayo sida sanduuqu uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la xiriira horumarinta, nabadda iyo gar-gaarka bani’aadamnimo.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in iskaashigan lala yeelanayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK uu horseedi doono isdhaafsiga khibradaha iyo mideynta dadaallada lagu taageerayo bulshooyinka ugu nugul ee ku sugan Sudan iyo Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in arrintani ay adkeynayso doorka hormuudnimo ee Kuwait ee gobolka iyo caalamkaba.
Dhinaca kale, Madaxa Xafiiska Gobolka ee ICRC ee wadamada Golaha Iskaashiga Khaliijka, Mamadou Sow, ayaa sheegay in iskaashiga u dhaxeeya Kuwait iyo UK uu yahay mid muujinaya ballanqaad mideysan oo bani’aadamnimo.
Wuxuu xusay in deeqdan aysan ahayn oo keliya taageero dhaqaale, balse ay tahay fariin cad oo muujinaysa garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la doonayo in la soo celiyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, kuwaasoo muddo dheer ku noolaa xaalado ba’an oo saboolnimo.
Labadan heshiis waxay qeyb ka yihiin is-afgarad hore oo labada dhinac ku gaareen bishii Febraayo 2020, kaasoo lagu aas-aasay qaab dhismeedka iskaashi ee lagu bixinayo gargaar bani’aadamnimo si loo hagaajiyo xaaladda nololeed ee qaxootiga, dadka barakacay iyo bulshooyinka ay saameeyeen musiibooyinka dabiiciga ah iyo colaadaha, guud ahaan dunida.