13.1 C
London
Monday, October 13, 2025

Dowladda Fedaraalka oo magacaawday guddi ka shaqeeya dhameystirka dhismaha maamulka SSC Khaatumo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, Luulyo 5, 2025 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta wareegto uu soo saaray si rasmi ah ugu magacaabay guddiga farsamo ee dhameystirka maamul goboleedka SSC Khaatumo.

Guddigan farsamo ayaa ka kooban illaa 8 xubnood, kuwaas oo ay Wasaaraddu ugu talo gashay ka shaqeynta dhamaystirka iyo maamul u samaynta SSC Khaatumo, si waafaqsan habraacyada dastuuriga ah iyo siyaasadda dib u heshiisiinta qaranka.

Xubnaha guddigan ayaa waxa guddoomiye looga dhigay Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, halka guddoomiye ku xigeenka loo magacaabay Cabdinasir Xaaji Maxamed.

Waxaa sidoo kale xubnaha guddigan ku jira xubno ka socda ama kasoo jeeda gobolka Sanaag, taasoo ka dhigan in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay gobolka Sanaag ku darayso maamulka SSC Khaatumo.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhamaystiran:-
    

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).