15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Shirka Madaxda Dowladda iyo Mucaaradka oo ka furmay Villa Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
Khamiis, Luulyo 3, 2025 (HOL) –  Waxaa maanta xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya dib uga furmay wadahadal u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha samatabixinta Soomaaliyeed ee Mucaaradka Dowladda Soomaaliya.

Doodaha maanta ayaa diiradda lagu saarayaa afar arrimood oo muhiim ah: Midnimada Qaranka, Dib-u-eegista Dastuurka, Amniga iyo La-dagaalanka Argagaxisada, iyo Sameynta Nidaam doorasho oo toos ah oo la isku raacsan yahay.

Labada dhinacba waxay qorsheynayaan inay soo dhisaan guddiyo ka xaajooda qodobada ay miiska soo saareen si mowqif hal ah ay meesha uga soo baxdo.

Mucaaradku waxay rajo ka muujiyeen in horumar laga sameen doono qodobada la isku haayo inta ay dawladu muujineyso dabacsanaan. 

Labadaan dhinac ee isku hayaa siyaasadda ayaa ku heshiiyey in aan dib loogu laaban hannaankii doorashada dadban ee 2022-ka oo ay u arkeen in uu khalad weyn uu ka jiro.

Wixii warar ah ee kasoo kordha waan idinla soo socodsiin doonnaa.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).