15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Macawiisleeyda gobolka Hiiraan oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 10 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, Luulyo 1, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Macawiisleyda gobolka Hiiraan aroornimadii hore ee maanta howlgal qorsheysna oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyeen duuleedka deegaanka Mabaax.

Howlgalka Macawiisleeyda Hiiraan ka fuliyeen duuleedka deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan ayaa la soo warinaya in lagu dilay ilaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Ciidanka Macawiisleeyda ayaa howlgalka ku beegsaday goobo maalmahii lasoo dhaafay ay isku aruursanaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab oo hoostaga deegaanka Mabaax.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay ciidamada Macawiisleyda gobolka Hiiraan ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqyada ku aadan ka hortaga weerarada kooxda Al-shabaab uga imaan kara.

Si kastaba ha ahaatee 48 saacadood ee lasoo dhaafay furimaha hore ee dagaalkanka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan gaarayay ciidamo aad u tiro badan oo ka kala baxay magaalooyinka gobolka Hiiraan, kuwaas oo xoojinaya ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle ee sanadahii lasoo dhaafay sida tooska ah ula dagaalamaya Al-shabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).