
Howlgalka duqeynta ah ee ka dhacay saacadahii lasoo dhaafay gobolka Hiiraan ayaa si gaar ah loola beegsaday laba gaari oo ay wateen xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo maraayay meel u dhaw deegaanka Mabaax.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay ilaa 18 xubnood oo la socday labada gaari ee duqeynta lagu burburiyay.
“Bartilmaameedka Howlgalkaan ahaa oo si guul leh u dhacay ayaa laga sameeyay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay 18 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana sidoo kale la burburiyay laba gaari oo ah nooca dagaalka oo ay doonayeen in ay ku baxsadaan maleeshiyada cadowga ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Howlgalkaan duqeynta ah ayaa noqonaya kii labaad oo mudo todobaad gudahiis ah lagu beegsado kooxda Al-shabaab, islamarkaana looga dilo dagaalamayaal ka tirsan kooxda.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalamka ayaa ku howlan sidii kooxda Al-shabaab ay uga xureyn lahayeen guud ahaan deegaanadaay kaga sugan yihiin gobolada dalka.