12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo howlgalo culus ka wada deegaanada hoostaga Masaajid Cali Gaduud

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, Juun 26, 2025 (HOL) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa howlgalo Milatari ka wada saacadahii ugu dambeeyay tulooyinka hoostaga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Howlgaladaan ayaa ah kuwa ciidamadu ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amniga guud ee deegaanka Masaajid Cali Guduud oo Shalay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanku kala wareegeen kooxda Al-shabaab.

Dad ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney arkeen ciidamo si aad ah u hubeysan oo kusii qulqulaya deegaanada kale ee hoosyimaada Masaajid Cali Gaduud oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-shabaab. 

Tuulooyinka ciidamada is garabsanaya ay howlgalada ka fuliyeen waxaa ka mid ah tuulada Towfiiq iyo tuulooyin kale oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab, islamarkaana hoostaga Masaajid Cali Guduud. 

Si kastaba ha ahaate Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhankeeea sheegtay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaalada joogtada ah ee looga ciribtirayo Al-shabaab guud ahaan dalka, gaar ahaana gobolka ShabeellahaDhexe. 

Ugu dambeyntii dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay go’aankeeda ah in aysan joojin doonin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa ay ka xoreeyso dhamaan deegaanada ay weli kaga sugan yihiin gobolada dalka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).