Warsaxafadeed kasoo baxay Hay’ada NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal.
Howlgalkaan ayaa ahaa mid si gaar ah loogu beegsaday xubno firxad ahaa oo labadii maalin ee lasoo dhaafay isku aruursanaayay deegaano dhaca dhulka howdka ah ee hoostaga deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan.
“Hawlgalkan oo la fuliyay labo mar oo is xigtay ayaa bartilmaameedkiisu ahaa goob ay isku abaabulayeen maleeshiyaadka khawaarijta ah si ay dhagaro ugu maleegaan Shacabka Soomaaliyeed waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartoodii, iyada oo sidoo kale la burburiyey dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA.
Warka kasoo baxay Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa sidoo kale lagu sheegay in NISA ay ka go’an tahay iney meel kasta ku beegsato kooxda Al-shabaab, si looga ciribtiro guud ahaan dalka.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka NISA kasoo baxay oo dhameystiran:-