
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka is kaashanaya ay weerar ku qaadeen goobo ay ku dhaamaaleysanayeen kooxda Al-shabaab, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in weerarka jab xoogan ku gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab ee isku aruursanaayay inta u dhaxeysa Mabaax iyo Ceel hareeri.
“Ciidanka is kaashanaya waxay toogteen dhagarqabayaal badan oo ay cadowgu qaraxyo ku soo xireen, jab xoogan ayaan gaarsiinay waana ka sifeynay goobaha ay isku aruursanayeen howlgalkana weli waa socda oo baacsi ayaan kusii hayna” ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidanka Macawiisleeyda.
Si kastaba ha ahaatee dagaalka maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Ceel hareeri iyo Mabaax ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilawgii bishaan deegaanka Ceel hareeri iyo deegaanada ku dhadhaw dagaalo qaraar ku dhexmareen ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa kooxda Al-shabaab, waxaana dagaaladaasi ahaayeen kuwa lagu jabiyay maleeshiyaadka Al-shabaab.