12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Muqdisho oo markii ugu horeysay laga daah furay suuqa saamileyda Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, Juun 21, 2025 (HOL) – Waxaa Magaalada Muqdisho Markii ugu horeysay laga daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed oo ay ka soo qaybgaleen, Madaxda iyo Masuuliinta Suuqa Saamiyada, Guddoomiyaha Rugta ganacstada Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin Gabayre, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha XFS. Mohamed C/lahi Faarah, Xildhibaano ka tirsan dawladda Fadeeraalka Soomaaliya, Agaasimaha SOMINVEST Mohamed Dubo, shirkadaha isgaarsiinta dalka, iyo Midowga Bangiyada Soomaaliya. 

Sidookale waxaa munaasibadda Furitaanka ka soo qaybgalay Maamulaha suuqada Saamiyada Ruwaanda, ahna Pierre Celestin RWABUKUMBA, Maamulaha suuqa saamiyada Nayroobi Frank Mwiti iyo martikale. 

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Yasin Maxamuud Cibaar ayaa waxa uu tilmaamay muhiimadda uu suuqani u leeyahay waddankeenna Soomaaliya.

Suuqan Saamiyada waxa uu ganacsatada u abuurayaa helitaanka ra’sul maal weyn si ay isu ballaariyaan, shacabka Soomaaliyeedna fursad ugu helaan inay maalgashadaan oo ay saami furan ku yeeshaan shirkadaha dalka & kuwa caalamiga ahba, meel kasta oo ay joogaan. Sidookale suuqani Wuxuu fursad siinayaa Shirkadaha Caalamiga ah oo iska diwaangelin doona Suuqan si ay u helaan saamilay Soomaaliyeed.

Arintani waxay ka dhigan tahay hannaan rasmi ah oo dhiirigelinaya maalgelinta, horumarinta bulshada, iyo koboc dhaqaale oo waara. Hadda, fursaddu waa caddahay maadaamaa la furay Suuqa Saamiyada: Waana wakhtigii ay Soomaaliya si dhab ah qeyb uga noqon lahayd isbedelka iyo horumarka ka socda Gobolka Geeska Afrika.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).