11.4 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo ku guuleysatay inay xuduuda Iran soo dhaafsiiyaan muwaadin Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, Juun 19, 2025 (HOL) – Safaarada Dowladda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Turkiga ayaa ku guuleysatay in xuduuda ay Turkiga la wadaagto dalka Iran ay soo dhaafsiiyaan muwaadin Soomaaliyeed  oo lagu magacaabo Dr. Mustafa Cali Macalin oo uu dhaawac fudud kusoo gaaray magaalada Tehran kadib weerar ay Israel halkaasi ku qaaday.

War qoraal ah oo kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa shaaca looga qaaday in Dr. Mustafa Cali Macalin uu wadanka Iran dhaqtarnimada ku bartay kana mid ahaa dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ilaa toboneeyo lagu qiyaasay oo wadanka Iran wax ku barta.

Mas’uuliyiinta safaarada Soomaaliya ayaa tilmaamay in maalmaahaan ay ku mashquulsanaayeen inay muwaadineenta Soomaaliyeed ee Iran ku sugan laga soo kaxeeyo halkaas hadii ay magaalada ay ku sugan yihiin ku dareemaan amni xumo.

Safaarada Soomaaliya ee Ankara ayaa uga mahadcelisay dowlada Turkiga oo ay sheegtay in ay u fududeeysay sidii Dr. Mustafa loo soo gaarsiin lahaa wadanka Turkiga si uu halkaas uga sii gudbo wadankiisa Soomaaliya.  

Xaaladda Iran iyo Israel u dhaxeeysa oo faraha kasii baxaya awgeed, waxa ay safaarada Soomaaliya ee Ankara ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kusugan Iran ay ugu baaqday inay lasoo xiriiraan safaarada haddii ay doonayaan in ay ka soo baxaan dalkaas, waxaana ay baraha bulshada kula wadaagtay telefoon ay kula xiriiraan safaaradda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka ku waxyeelloobay duqaymaha Israa’iil ee Iiraan ay ku jiraan dad Soomaali ah, sida uu BBC-da u sheegay Axmed Cabdi oo deggan magaalada Qum ee badhtamaha dalkaasi, waxaana uu tilmaamay in Soomaali tiro yar ay dalkaasi ku nool yihiin kuwaasi oo isugu jira ganacsato iyo arday wax ka barata jaamacadaha dalkaasi.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).