
War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyay in dhammaan xubnihii ergada rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay si buuxda ugu soo laabteen dalka, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo iyo mas’uuliyadeed.
“Waxaa wax laga xumaado ah in la faafiyo warar aan la xaqiijin oo dhaawacaya sumcadda hey’adaha dowladda iyo kalsoonida shacabka,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Wasaaraddu waxay ku tilmaamtay sheegashooyinkaasi kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, islamarkaana ay yihiin iskuday lagu marin habaabinayo xaqiiqda. Waxay intaas ku dartay in ergada Soomaaliya ay door muuqda ka qaadatay doodaha iyo siyaasadaha ku saabsan xuquuqda shaqaalaha iyo horumarinta daryeelkooda, iyagoo matalayay danaha qaranka.
Wasaaradda ayaa ugu baaqday warbaahinta iyo bulshada isticmaasha baraha bulshada inay xil iska saaraan hubinta xogta ay faafinayaan, ayna ka fogaadaan warar aan la hubin oo leh ujeeddooyin shakhsi ah ama siyaasadeed.
