13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Jubbada Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, Juun 18, 2025 (HOL) – Ciidanka xooga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa shalay iyo maanta howlgalo culus oo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka xoogiisa oo ahaa duqeymo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo iyo fariisimo ay kooxdu ku laheyd deegaanka Maqooqaha loo yaqaano oo qiyaas ahaan 10 KM u jira saldhiga ciidamada Jubbaland ee ku yaala deegaanka Bulo xaji oo 90 KM  dhinaca waqooyi Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

War qoraal oo ah oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in weerarka duqeynta ah looga hortagay qorsheyaal kooxdu ka waday deegaanka Maqooqaha iyo nawaaxiga tuulada Xalima cadey ee gobolka Jubbada Hoose oo ay isku aruursanayeen.

Goobaha duqeynta lala beegsaday ayaa la tilmaamay iney ku sugnayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana lagu dilay ilaa 25 xubnood oo ay 5 ka mid ah yihiin horjoogayaal sare, sida lagu sheegay qoraalka lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Duqeyntaaan ayaa sidoo kale la sheegay in lagu burburiyay afar gaari oo ay kooxdu u adeegsan jirtay dhaqdhaqaaqyadooda iyo weerarada lagu beegsado fariisimaha ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii gobolka Jubbada Hoose ayaa ka mid ah gobolada ay wali ku xoogan yihiin kooxda Al-shabaab, waxana halkaasi inta badan ka dhaca howlgalo isugu jira duqeymo iyo dagaalo toos ah oo lagu beegsanayo Al-shabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).