12.7 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Shir looga hadlaayo dib u eegista Siyaasadda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka oo Muqdisho ka furmay

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, Juun 18, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Wadatashiga dib u eegista siyaasadda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo isugu jira heer fedaraal, heer dowlad goboleed, wakiilo ka socda beesha Caalamka, ururrada aan dowliga ahayn (NGOs), iyo bulshada rayidka ah.

SoDMA ayaa warsaxafadeed ay soo saartay ku sheegtay in shirkaan ujeedkiisu yahay in dib loo eego oo la tayeyo Siyaasadda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka iyo sidii loo maareyn lahaa xaaladaha dhabta ah ee Musiibooyinka.

Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in muhiimada shirkan u yahay dhismaha siyaasad qaran oo dhamaystiran, islamarkaana loo dhan yahay.

“Aqoon-isweydaarsigan wuxuu na siinayaa fursad aan ku mideyno khibrad, aragti, talo iyo dhaliil si loo helo siyaasad aan kaliya ahayn mid loo dhan yahay, balse sidoo kale la taaban karo, waarta, oo waafaqsan xaaladaha dhabta ah ee dalka ka jira,” ayuu yiri Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle.

Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu balaarna oo ay hay’adda SoDMA ku qabato magaalada Muqdisho ee looga arinsanaayo arrimaha la xariira Siyaasadda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka, waxaana lagu wada in shirkaan ay kasoo baxaan natiijooyin rasmi ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).