12.7 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay horjoogihii ugu sarreeyay Al shabaab ee shirqoolada iyo Dilalka

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, Juun 17, 2025 (HOL) – Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa xaqiijiyay geerida Cabaas Maxamed Hool oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab, waxaana lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay Muqdisho iyo Shabeellooyinka.

War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa shaaca looga qaaday in Cabaas Hool uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray howlgal qorsheysan oo ay horay u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana ay xusatay in xaaladiisa ay ka sii dartay sababo la xiriira dhaawacyo iyo xanuuno ka dhashay.

“Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay Al shabab  ka fuliyaan Gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle, ayaa u geeriyooday dhaawacyo oo ka soo gaaray howigal qorshaysan oo Ciidanka Qalabka Sida horay ugu beegsadeen kuwaas oo markii dambe ku sababay xanuuno kale oo ku keenay inuu noqdo dhulyaal.” ayaa lagu warka kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Ninkaan lagu magacaabay Cabaas Hool waxa uu ku biiray kooxda Al-shabaab 2007dii, waxaana uu ka gaaray darajooyin isaga oo noqday mid ka mid ah horjoogayaashoodi sare sida ay xustay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Waxa uu ku lug lahaa weeraro badan oo lagu bartilmaameedsaday dadka rayidka ah iyo xarumaha danta guud ee caasimadda iyo gobolada ku xeeran sida lagu yiri War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda.

Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu soo gabagabeeyay inaysan jirin meel ay uga baxsan karaan gacanta Ciidanka Qalabka Sida iyo cadaaladda, horjoogayaasha Kooxda Al-shabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).