10.8 C
London
Thursday, October 16, 2025

Maraykanka oo duqayn la beegsaday meelo ay ku dhuumaalaynayeen firxadka Daacish

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, Juun 13, 2025 (HOL) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in ciidamadooda ay weerar cirka ah ka fuliyeen Puntland.

AFRICOM waxay sheegtay in weerarku ka dhacay koonfur-bari magaalada dekedda ah ee Boosaaso, isla markaana lagu bartilmaameedsaday Daacish (ISIS). Balse lama bixin faahfaahin dheeraad ah.

“Faahfaahinta ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka,” ayuu yiri AFRICOM.

Mareykanka ayaa taageeraya ciidamada maxalliga ah ee Puntland, kuwaasoo 8-dii Juun ku dhawaaqay howlgal weyn oo Daacish looga sifaynayo meelaha ay ku dhuumalaysanayaan, waxaana garab siinaya Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta.

“Howlgalkan wuxuu si gaar ah u beegsanayaa meelaha ay ku urursanayaan dagaalyahannada ka badbaaday kooxda Daacish,” ayuu yiri sarkaal ammaanka Puntland ah oo la hadlay warbaahinta.

Iyadoo la eego tirada war-saxaafadeedyo ay AFRICOM soo saartay, weerarkii 10-kii Juun wuxuu tirada guud ee weerarada Mareykanka ee Soomaaliya sanadkan ka dhigay 33. 

Si kastaba, AFRICOM ayaa u sheegtay hay’adda New America, oo dabagal ku sameysa duqeymaha cirka Mareykanka, in guud ahaan ay sanadkan 2025 fuliyeen 38 weerar oo cirka ah gudaha Soomaaliya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).