15.7 C
London
Thursday, October 16, 2025

Jubaland iyo ismaamulka Mandera oo kawada hadlay xoojinta ammaanka xuduuda ay wadaagan Soomaaliya iyo Kenya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, Juun 10, 2025 (HOL) – Madaxweyne Kuxigeenka kowaad ee Dowladd Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Mandera ayaa si gaar ah waxa ay uga wada hadleen sidii diiradda loo saari lahaa arrimaha la xiriira isu socodka dadka shacabka ah iyo ammaanka xuduudaha.

Sido kale shirka ayaa intiisa badan waxaa xoogga lagu saaray xoojinta iskaashiga ku aaddan xal u helidda caqabadaha ka jira xuduudaha iyo dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxda Al shabaab.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday in Dowlad Goboleedka Jubaland ay dagaal xoogan ay kula jirto kooxda Al shabaab ayna u ogolaan doonin inay waxyeeleeyaan ganacsiga isaga gudba degaanada xuduudaha ee Soomaaliya ay Kenya la wadaagto.

Gabagabada kulanka waxaa la isku afgartay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo wada shaqeynta dhanka amniga ee xuduudaha, si loo sugo xasilloonida deegaannada xuduudka iyo in si wadajir ah looga hortago falalka amni-darro ee halis gelin kara nolosha dadka deegaanka.

Dhowr jeer oo horey ayay dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay weeraro gaadma ah ka geeysteen Gobolka Mandheera, waxaana walaac xoogan ay ku abuurtay isku socodka ganacsatada Soomaaliyeed ee u gudba dhinaca Mandheera iyo Kenya oo dhowr jeer degaanadaas bandow kusoo rogtay si loo yareeyo weerarada Al shabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).