12.1 C
London
Sunday, October 19, 2025

Howlgal lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, Juun 3, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysanaa oo maanta ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Gaashaan ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Howgalkaan ayaa lagu dilay horjoogihii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanada Dhanaane iyo Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Qoraalka kasoo baxay dowlada Federaalka oo ahaa mid kooban laguma shaacin magaca horjoogahan ka tirsan Al-shabaab ee lagu dilay howlgalka ay sida gaarka ah u fuliyeen ciidanka Gaashaan ee NISA.

Howlgalkaan lagu dilay horjoogihii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanada Dhanaane iyo Gandarshe ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan howlgal ka dhacay deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay horjoogihii Shabaab u qaabilsanaa gorsheynta weeraradii hoobiyeyaasha ahaa ee Muqdisho ka dhacayay ilaa sanadkii 2023-kii.

Ugu dambeyntii howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidanka hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA mudooyinkii dambe si weyn u kordhiyen howlgalada ay sida gaarka ah ugu beegsanayaan horjoogayaasha kooxda Al-shabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).