
Duqeymahan sii kordhaya ayaa yimid xilli Mareykanku sare u qaaday weerarrada ka dhanka ah kooxaha xagjiriinta ah ee Soomaaliya ka dagaalama, sida uu sheegay Taliyaha Taliska Afrika ee Mareykanka, Gen Michael Langley.
Michael Langley, intii lagu jiray shir jaraa’id oo uu qabtay 30-ka May. Wuxuu sheegay in duqeymahaasi si gaar ah loogu beegsaday ISIS iyo Al-Shabaab, kuwaasoo weli dagaal kula jira dowladda Federaalka Soomaaliya si ay gacanta ugu dhigaan dhulal cusub.
“Duqeymaha cirka waxa ay taageero u yihiin howlgalka milatari ee Soomaaliya kula jirto dagaalka ka dhanka ah ISIS iyo Al-Shabaab,” ayuu yiri Gen. Langley. Wuxuu sidoo kale xusay in duqeymaha sii kordhaya ay horseedeen “guulo istaraatiji ah” oo lagu wiiqay awoodda labada kooxood.
Hay’adda New America ayaa sheegtay in aan la xaqiijin tirada saxda ah ee rayidka ku dhintay duqeymaha Mareykanka ee sanadkan, balse intii u dhexeysay labada sano ee la soo dhaafay, ugu yaraan 33 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarradaas.
1-dii Febraayo, markab dagaal oo Mareykanku leeyahay oo lagu magacaabo USS Harry S. Truman oo ka howlgalaya biyaha u dhexeeya Yemen iyo Geeska Afrika si uu ula dagaallamo kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa fuliyey weerar cirka ah oo ballaaran gudaha Soomaaliya.