Bayaan uu Xisbiga Wadajir soo saaray ayaa waxa uu ku eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya inay ku howlantahay Xulashada xubnaha Guddiga oo haatan la sii ogyahay cidda ka mid noqonaysa Guddigaan.
Guddigan ayaa beddelaya Khabiirka Madaxabannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, wuxuu kaalin wayn ka qaadanayaa islaxisaabtanka, xaqiijinta cadaaladda, sinnaanta iyo dib u heshiinta.
Xisbiga Wadajir ayaa ku baaqay In la hakiyo hannaan uu ku tilmaamay mid indhasarcaad ah oo Guddiga lagu soo xulayo, lana maro si waafaqsan Dastuurka dalka xeerka Golaha Shacabka iyo xeerka caalamiga ah.
Waxa uu sidoo kale Xisbiga uu soo jeediyay In Xubnaha imtixaanka qaadaya ay yihiin shakhsiyaad ka madaxbannaan dowladda, magacna ku leh bulshada dhexdeeda, kuwaasoo lagu yaqaan aqoon, hufnaan iyo waaya-aragnimo.
Shalay ayay Wasaaradda Qoyska iyo xuquuqul insaanka ay shaacisay in la galay imtixaanaadka Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee xuquuqul insaanka.

