
Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay warbaahinta in shaqaale muruq maal ah oo gaaraya 20 ilaa 30 Shaqaale ay ka howlgalayeen dhismaha guriga oo dhowr biyaano laga dhisaayay.
Dadka goob joogayaasha ayaa tilmaamay in guriga marka uu soo dumaayay ay shaqaalaha ku guda jireen inay shubayeen dhismaha waxaana lasoo go’ay qalabkii ay ku wadeen howsha shubka dhismaha.
Abaare 6:40 subaxnimo ayay tilmaameen in dhacdadaan ay dhacday Suuqa weyn ee Bakaaraha ayna markii shaqada ay bilaabeenba shaqada uu kusoo dumay dabaqii ay ka howlgalaayeen, inta badan dadka dhaawacmay ayaa waxyeelada ugu daran ay kasoo gaartay qeybaha dambe sida Lugaha maadama ay ka boodeen daaqadaha dhismaha ee qeybaha sare ee howsha shubka ay ka socotay.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo shaqaale muruq maal ah sidaan dhismo ah uu kula soo dumo dhismooyinka ay ka shaqeeyaan ee magaalada Muqdisho waxaana dhowaanahaan si xoowli ah uga socday caasimadda dhismayaasha dhowrka biyaano.