
Taliyaha NISA oo maalintii afaraad ku sugan Moqokori ayaa halkaas kulan kula qaatay Odayaasha dhaqabka gobolka Hiiraan oo uu ka dalbaday in lasii laba jibaaro dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda maalmahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa ku amaanay Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan doorka muuqda ay ku leeyihiin howlgalada dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab, wuxuuna ka balan qaaday Odayaasha in dowladda federaalka ay ka heli doonaan garab istaag dhan kasta leh.
Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa dhankooda uga mahadceliyay Agaasimaha Hay’adda NISA doorkiisa ku aadan abaabulka iyo garab istaagga ciidamada Macawiisleeyda ah ee dagaalka kula jira Al-shabaab.
Kulamadaan uu Moqokori ka wado Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa imaanaya, iyadoo afartii maalmood ee lasoo dhaafay dagaalo qaraar ku dhexmarayeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle iyo kuwa Maleeshiyaadka Al-shabaab.






