
Ugu yaraan 20 Qof ayaa la xaqiijiyay inay Qaraxa ku dhinteen oo 5 kamid ah ay ahaayeen dad rayid ah oo wadada maraayay iyo 15 oo kamid ahaa dhalinyaradii qoroneeysay inay ciidanka ku biiraan kuwaasi oo kusugnaa xerada Ciidanka ee Damaayo, dhaawaca waxa uu gaaraya ilaa 15 Qof oo dhalinyaradii loo diiwaangelinayay ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay qaraxii maanta dhacay ayaa sheegtay in Saakay abaare 09:20am afaafka hore ee xerada Ciidanka ee Damaayo ka dhacay qarax uu fuliyay qof nafti halige ah, Ciidankuna ay ka hortageen in dhagar qabuhu gaaro yoolkiisa ahaa in uu khasaaro xooggan gaarsiiyo shacabka.
Mid kamid ah dhalinyaradii waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxa ismiidaaminta ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in qofka is qarxiyay uu ahaa qof dhalinyaro ah oo waqti kooban u sheekeeyay dhalinyaradii feelka ugu jirtay inay ciidanka iska qoraan waxaana uu tilmaamay inuu qabay shaki ninkaasi inuu wax damacsanaa balse ay qadarta ay ku dhacday uuna awoodi waayay in saxiibadiisa uu la wadaago shakiga ruuxaasi is qarxiyay kagalay.






