11.4 C
London
Thursday, October 30, 2025

Xukuumadda Soomaaliya oo ka dalbatay Dowladda Qatar inay ka gacan siiso arrimaha ammaanka

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, May 12, 2025 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa u gudbiyay Safiirka Dowladda Qatar ugu magacaaban Soomaaliya inay Dowladoodi ka doonayaan in dhinaca ammaanka laga gacan siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii ay Dowladda Qatar uga qeyb qaadan lahayd horumarka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii dowladda Qatar ay uga taageeri lahayd dowladda Soomaaliya arrimaha amniga, horumarka iyo fulinta Qorshaha Cusub ee Isbeddelka Qaranka (NTP).

Qoraalka laga soo saaray kulanka labada mas’uul ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Xamsa uga mahadceliyey Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Ugu dambeyntii, Danjire Abdullah, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).