
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Dadkaan ay ka gadoodeen dil Wiil yar oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cali loogu geystay gudaha Magaaladaas kaasi oo la sheegay in uu ka dambeeyay Askari ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Dadka degaanka oo warbaahinta la hadalay ayaa u sheegay in ay yihiin kuwa dalbanaya Caddaaladda Wiilka yar ee la dilay Islamarkaana doonaya in la soo qabto gacan ku dhiiglaha falkaasi sameeyay.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Askariga dilkaan geystay uu u baxsaday dhinaca Ciidamada Jubbaland oo bannaanka magaalas Beledxaawo Xero ku leh.
Maamulka Degmda iyo laamaaha amaanka ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadii dilka ahayd iyo waxa maanta ka socda Beledxaawo ee ay shacabka la xireen ganacsigooda si ay wiilka yar cadaalad ugu helaan.






