14.7 C
London
Friday, October 31, 2025

Xujeeydii ugu horeeysay ee sanadkaan Xajineysa oo maanta ka ambabaxday Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, May 9, 2025 (HOL) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka ambabaxay Xujeeydii ugu horeeysay ee Sanadkaan ka xajineeysa Soomaaliya kuwaasi oo ku wajahan Dalka Sacuudi Carabiya si ay ugu biiraan Malaayiinta Muslimiin ee Sanadkaan gudaneysa Xajka.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhaw Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyay Xujeydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed oo soo gudan doono waajibaadka acmaasha Xajka kuwaas oo tiradooda gaareyso 431 Ruux.

Xujeeydaan inta aysan ka ambabixin Muqdisho waxaa Munaasabadda sagootin ah loogu sameeyay Garoonka Aadan Cade halkaasi oo madax ka socotay dowladda ay dardaaran iyo talooyinba lagu siiyay Xujeeydaan.

Madasha maanta lagu sagootinaayay Xujeeydaan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Robow Cali, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux iyo masuuliyiin kale.

Wasiir Sheekh Mukhtaar ayaa Xujeeydaan kula dardaarmay inay u hogaansamaan nidaamka Xajka ee u yaala dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaana uu u rajeeyay inuu alle ka aqbalo Acmaasha ay soo gudanayaan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).