
Wafdiga Dowladda Masar ayaa waxaa hogaaminayay Dr. Mostafa Madbouly, Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi isagoo ka wakiil ah Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi, waxaa sidoo kale jooga Madaxweyne Kuxigeenka Dalka Kenya iyo madax kale.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa martigelinaya Shirkaan oo muhiimad gaar ah lagu siinayo maalgalin balaaran oo loo helo howlgalka cusub ee AUSSOM.
Uganda waxaa jooga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalkiisa laga wado howlgalka xasilinta ee lagula dagaalamyo Kooxda Al shabaab kaa oo maanta Khudbada uu ka jeedin doono taaban doonta ammaanka guud ee Soomaaliya.
Marxaladdan ayaa calaamad u ah isbeddelka muhiimka ah ee dadaallada Afrikaanka ah ee lagu xaqiijinayo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo ay sii kordhayaan caqabadaha dhanka ammaanka, oo ay ugu horreeyaan weerarrada ay dhaqdhaqaaqa xagjirka ah ee al-Shabaab ka geysanayaan bartamaha iyo koonfurta dalka.






