11.4 C
London
Thursday, October 30, 2025

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha gudaha Ciraaq oo kawada hadlay iskaashiga dagaalka Kooxaha Argagexisa

- Advertisement -spot_imgspot_img
Jimco, April 25, 2025 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq Cabdul Amiir Al-Shammari, oo shalay booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada iyo isdhaafsiga khibradaha.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Ciraaq ayaa u sheegay Ra’iisul wasaare Xamsa Khibrada ay Dowladiisa ay u leedahay la dagaalanka Kooxaha Argagexisada oo mar dhibaato weyn ku hayn jirtay wadankaasi.

Wasiir Cabdul Amiir Al-Shammari, ayaa muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uuna ballan qaaday in la dar-dar gelinayo iskaashiga labada dal, si gaar ah dhinacyada amniga, socdaalka, waxbarashada iyo tababarrada laamaha ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirka iyo wafdigiisa, isagoo ku bogaadiyey booqashada uu ku yimid dalka, waxa uuna xusay in booqashadani ay tahay tallaabo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).