
Dabka ayaa ka kacay qeybta matoorka markabka fiidnimadii Abriil 22, waxaana markabka uu ku xanibmay badda isagoo ku sugan meel qiyaastii 508 mayl-badeed (nautical miles) ka xigta magaalada Muqdisho.
Shaqaalaha markabka ayaa ku guuleystay inay dabka damiyaan duhurkii maalintii xigtay, Abriil 23, hase yeeshee markabka weli ma lahan awood koronto ah sababo la xiriira biyo ku fatahay qaybta matoorka, taasoo ka hor istaagtay shaqaalaha in ay si buuxda u qiimeeyaan khasaaraha.
Ciidamada badda ee Hindiya oo howlgal kaga jiray meel u dhow ayaa ka jawaabay baaqa gurmadka waxayna markabka u direen koox caafimaad. Mid kamid ah shaqaalaha markabka oo u dhashay dalka Filibiin ayaa ku dhaawacmay dabka.
Markabkan ayaa kasoo baxay magaalada Beira ee dalka Mozambique ka hor inta uusan shilku dhicin, isagoo marayay mid kamid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan uguna istaraatiijisan caalamka.
Shirkadda maamusha markabka ayaa haatan qiimeyneysa sidii loo daadgureyn lahaa shaqaalaha dhaawacmay loona soo celin lahaa korontada markabka ama loogu jiidi lahaa meel ammaan ah.
Dhanka kale, unugyo ka tirsan ciidamada badda Midowga Yurub oo ku sugan gobolka ayaa si dhow ula socda xaaladda Markabka.






