13.5 C
London
Thursday, October 30, 2025

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in kabadan 40 Dagaalame oo ka tirsan Al shabaab in lagu dilay Howlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, April 24, 2025 (HOL) – Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa sheegtay in In ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay hawlgalo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Wargaadhi iyo Labigoley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
war saxafaadeedka kasoo baxay wasaaradda ayaa shaaca looga qaaday in Hawlgalkaan uu yimid kadib markii Al shabaab ay isku dayeen weerar lagu tilmaamay mid naf la caari ah oo ay ku qaadeen deegaanka Wargaadhi oo talis muhiim ah howlgalka ciribtrika Kooxdaan ee ka socda Gobolada dhexe.
“Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha deegaanka oo heegan buuxa ku jiray ayaa si geesinimo leh uga hortagay weerarkaas, waxaana halkaasi lagu gaarsiiyay cadowga khasaare xooggan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa dhinaca kale waxa ay faah faahino ka bixisay howlgal ay Ciidanka Dowladda ay qaadeen kana dhacay deegaanka Labi Gooleey, oo qiyaastii 13 km u jirta Wargaadhi dhanka Waqooyi Galbeed waxaana howlgalkaasi uu dhacay iyagoo Kooxda Al shabaab ay ku guda jireen in ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.
Xaaladda deegaanka Wargaadhi hadda waa deggan tahay, waxaana weli socda xaqiijinta iyo tiro-koobka khasaaraha lagu gaarsiiyay Kooxda Al shabaab, waxaana wasaaradda ay xustay in dhowaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonto khasaaraha rasmiga ah ee Al shabaab degaanka Wargaadhi maanta lagu gaarsiiyay.
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).