5.8 C
London
Thursday, October 30, 2025

Dagaal culus oo galabta dib uga qarxay deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, April 23, 2025 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Aboorey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw oo galabta ah uu halkaasi ka bilaawday dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka deegaanka iyo Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidanka deegaanka ee Macawiisleeyda weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Abooreey oo ay ku sugan yihiin maalmahii lasoo dhaafay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka oo ah mid aad u xoogan ayaa lasoo warinaya in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan oo qaarkood dhawaqooda laga maqlaayo deegaano ka fog fog Abooreey.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka goordhaw dib uga qarxay deegaanka Abooreey, kasoo ah mid daba socda weerar Xalay saqdii dhexe ciidanka deegaanka ku qaadeen Abooreey.

Deegaanka Abooreey waxaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka dhacay dagaalo qaraar oo ciidanka Macawiisleeyda ku doonayeen in kooxdu kaga saareen deegaanka, hayeshee waxaa la tilmaamay in kooxdu isugu geysay awoodeeda ciidan difaacashada deegaankaan.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).